Cape Town (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya, Xaafadda Kraaifontein ee magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in boqolaal ruux oo banaanbax ka dhigayay halkaasi ay boob xooggan u geysteen goobo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay dhowr jeer isku dhaceen ciidamada Booliska Koonfur Afrika, balse la xakameyn waayay, waxaana taasi ay sababtay inay maanta boobaan laba dukaan ay Soomaali leeyihiin.
Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida oo ku nool xaafadda Kraaifontein lagu magacaabo Ibrahim Mataan ayaa sheegay in boobka uu weli socda, sidoo kalena ay barbar socdaan banaanbaxyo rabshado wata.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay, magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ka jiray Qulqulatooyin kusii fidayey deegaanno cusub, halka Dowladduna aysan wali wax tallaabo adag ah qaadin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





