Monday, May 25, 2026
26.6 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin ku saabsan qaraxyo Ciidamada DF Somaliya lagula beegsaday Shabellaha Hoose

Leego (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahino cusub oo dheeraad ah kasoo baxaya qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Arbacada maanta ay ka dhaceen duleedka deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyadaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso  ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo ku wajahnaa degaanka leego.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jugta qaraxyada iyo rasaas xoogan oo ka dambeeysay, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama Goobta aan loo dhawaan karin.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas, waxaana baraha internet-ka ee taageera lagu daabacay inay qaraxyadaasi la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta iyo kuwa Mareykan ah, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Weli kama hadlin saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose qaraxyadaas.

Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay oo ay helayso Halqaran.com ayaa sheegaya in xaalada ay iminka degan tahay, isla markaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay socdaalkooda iska sii wateen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...