Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Ciidamada Milatariga Somaliya iyo AMISOM oo deegaanno cusub kala wareegay Al-Shabaab

Beledweyne (Halqaran.com) – Ciidamada Millateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala Amisom ayaa hawlgal Wadajir ah ka fuliyay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliya waxaa ay sheegeen in ay ka jawaabayeen weerar hoobiyeyaal ah oo habeen ka hor  Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale Saraakiisha waxay sheegeen in ay hawlgalkaasi kula wareegeen deegaanka Luug Jeelow oo 25km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay horay ugu xoogganaayeen Al-Shabaab.

Hawlgalka Wadajir ah ayaa lagu burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab Gaadiidka lacago uga qaadi jireen waxaana  ay kasoo furteen Maxaabiis laba ah oo halkaas ugu xirnaa sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Militariga.

Saraakiisha ma aysan sheegin Khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay hawlgalkaasi Shabaab ay uga qabsadeen deegaanka Luuq Jeelow ee Gobolka Hiiraan.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan deeganada ay gacanta ku hayaan waxaa jooga Ciidan aan sidaasi u badneyn oo marka la soo weeraro xeelad dagaal uga baxa goobta dagaalka, balse dib ka soo weerara ciidamada qabsada aagaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...