Saturday, April 11, 2026
29.7 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin cusub iyo khasaaraha ka dhashay israsaaseynta caawa ka dhacday Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Israsaaseyn khasaaro geysatay oo dhaxeysey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo ilaada hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa ay Caawa ka dhacday agagaarka Xarunta Inji ee Magaaladaas.

Israsaaseynta ayaa dhacday, kadib markii uu Dhuusamareeb tegay Wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,waxaana ay ka dambeysay markii ay kala shakiyeen labada Ciidan.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay soo sheegayaan in israsaaseyntii Caawa ay ku dhaawacmeen laba askari iyo haweeney Shacab ah,Isla markaana xaalada ay haatan tahay mid degan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu wafdi saraakiil ah u direy Goobta israsaaseynta ka dhacday si loo ogaado sababaha keenay iyo khasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...