Tuesday, May 26, 2026
27.7 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Ex Control Afgooye ee lagu xasuuqay dad shacab

Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxii 28-kii Bishan ka dhacay Isgoyska Excontrol Afgooye, halkaasi oo ay ku dhinteen 87 qof, halka ay ku dhaawacmeen 148 qof.

Afhayeenka guud ee Shabaab Cali Maxamuud Raagge ayaa Warbaahinta Shabaab wuxuu ka sheegay masuuliyadda Qaraxaasi inay ka dambeeyeen kooxda.

Waxa uu sheegay qaraxaasi inay la eegteen Ajaanib Turki ah & ciidanka dowladda oo halkaasi ay ku laayeen.

Afhayeenka guud ee Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay dad shacab inuu khasaare ka soo gaaray weerarkaasi, dadkaasina ay ahaayeen kuwa ku ganacsanaayay hareeraha wadada.

Si kastaba, sheegashada Ururka Al-Shabaab ayaa ku soo aadeysaa saacado kadib markii Nabad Suggida Soomaaliya ay sheegtay in Dowlado shisheeye ay ku lug lahaayeen Qaraxii Ex-control Afgooye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...