Gaarisa (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa sheegatay in lix ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, qeybta ka dagaalanta Goballada Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Jimcihii maanta lagu dilay deegaanka Jirole oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa.
Nicholas Ndalana oo ah isku duwaha dhanka amniga Kenya u qaabilsan gobolka Waqooyi Bari, oo sheegay dhimashada dagaalyahanadan, ayaa sidoo kale sheegtay in ciidanka amniga ay gacanta ku hayaan dagaalyahan kale.
Isku duwaha dhanka amniga Kenya u qaabilsan gobolka Waqooyi Bari ayaa intaa raaciyay in dagaalyahanka ay hayaan uu qabo dhaawac ka soo gaaray howlgalkan, ayna daweynayaan si uu ugu fududeeyo baaritaano la xiriira qorshayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale sarkaalkan ugu sareeya ciidanka amniga Kenya ee gobolka ayaa xusay in dagaalyahan kale oo dhaawac qaba uu ka baxsaday howlgalka aroornimadii hore jimcihii maanta ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka Jirole, ayna baadi goob ugu Jiraan.
Dhacdadaan ayaa imaaneysa laba maalin uun kadib markii ururka Al-Shabaab ay saddax qof ku dileen weerar ka dhacay Ismaamulka Mandera, sidoo kalena ay afduub u geysteen muwaadiniin Kenyan ah oo ku safrayay waddada dheer ee isku xirta gobalka Waqooyi Bari.
Ururka Al-Shabaab ayaa sanadkan 16 qof weeraro kala duwan ugu dilay dagmooyinka Lamu, Gaarissa iyo Wajeer, ayaga oo sidoo kalena sababay burbur hantiyadeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






