Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo ku Xigeenkiisa Cali Daahir Ciid oo la kulmay Guddoonka guddiga Caleema saarka, kuwaas oo maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda.
Xubnaha guddiga ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha Guddiga Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar, waxaana Madaxda Galmudug ay kala hadleen dardargelinta munaasabada madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa waxaa laga sugayaa inay qiimeyn iyo sahmin ku sameeyeen tasiilaadka loo baahanyahay iyo goobaha loo diyaarinayo dajinta martida balaaran ee kasoo qeybgalaysa munaasbadda caleemar saarka iyo inay shaaciyaan waqtiga ay dhaceyso Xafladda.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana lagu jiraa u diyaar garoowga qabsoomida munaasabadda caleema saarka Madaxda Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






