Garowe (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise oo hoggaaminaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka qeyb galayaan Shirka Wadatashiga Puntland ee furmaya 15-ka bishan.
Wafdiga ayaa ka jawaabay baaqii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in dhamman Siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaanada Puntland ay kasoo qeyb galaan Shirka.
Si kastaba, wafdigaan maanta Garowe ayaa horay ugu fashilmay in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxda maamulka Puntland iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo Khilaaf xooggan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






