Monday, April 27, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Dhaqtar caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay dhaqtar caan ka ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya, in rag hubeysan ay xaafadda Suuq Bacaad ku dileen dhaqtar lagu magacaabo Xasan Xaayoow oo si weyn magaalada Muqdisho looga yaqaano, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxa uu ahaa dhaqtar daaweyn jiray Shubanka, islamarkaana waxaa lagu dilay xarun caafimaad uu ku lahaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in kooxaha dilay dhaqtarka ay ku hubeysnaayeen dharka ciidanka dowladda, isla markaana ay wateen qoryaha AK47.

Si kastaba, goobta uu dilka ka dhacay, ayaa durba waxaa gaaray ciidamada ammaanka, iyagoona halkaasi ka qaaday meydka dhaqtarka, una qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...