UPDATE: DF Somaliya oo shaacisay in duqeyn lagu dilay Bashiir Qoorgaab oo ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowlada Federalka Soomaaya ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah lagu diley 22-kii bishii Febraayo xubin sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Wakaaladda wararka Sonna ayaa lagu daabacay, duqeynta ay fuliyeen ciidamada Maraykanka oo ka dhacday degmada Saakow ayaa lagu diley Bashiir Maxamed Duduble (Qoorgaab).

Bashiir Qoorgaab ayaa la xusay uu xilal kala duwan ka hayay ururka Al-Shabaab sida Abaanduulaha Al-Shabaab, madaxii howlgalada Kenya, iyo Xubin kamid ah Golaha fulinta, madaxa weerarrada xeryaha Ciidamada.

Dowlada Maraykanka ayaa dhammaadkii bishii hore sheegay in duqeyn uu ka fuliyay Saakow lagu diley sarkaal sare iyo xaaskiisa kaasoo madax ka ahaa weerarkii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Dhanka kale, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan sheegashada Ciidanka xoogga ee ay ku sheegteen in ay dileen Bashiir Maxamed Qoorgaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com