Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

Somaliland oo si kulul u cambaareysay hadal ka soo yeeray Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan

Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa waxay cambaareysay hadal dhawaan ka soo yeeray Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan, oo la xiriiray inuu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa war saxaafadeed uu Axadii soo saaray si adag uga jawaabay hadalkii Amb. James Swan, war saxaafadeedka oo lagu sheegay in hadalkaasi uu xushmad darro ku yahay Somaliland.

Halka hoose ka akhri War-saxaafadeedka oo sidan u qornaa:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimoqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qaramada Midoobey, oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.

Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaa war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ay u aragto daandaansi iyo faragelin uu ku sameeyay xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu xushmad darro ku yahay hannaanka dimoqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya, 18kii May 1991kii.

Somaliland waxay guulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah, oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ay xilka iskugu wareejiyeen.

Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qaramada Midoobey ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqadda.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaano iyo liddi ku ah nidaamka dimoqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland, oo ay taabageliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...