Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya, in saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo careysan inay la wareegeen gacan ku heynta xarun wasaaradeed oo ku taalla magaalada.
Ciidankaan gadoodka ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa la wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Warar ay haleyso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya in ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ay ka cabanayaan arrimo la xiriira mushaaraad ka maqan muddo dhowr bilood ah, taas oo keentay inay la wareegaan dhismaha wasaaradda, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadu xarunta ay ku xayireen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas, iyaga oo ku amray in aysan ka bixi karin halkaasi.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamulka Puntland oo ku aadan xiisadaasi ka taagan bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegaan xarun wasaaradeed oo uu leeyahay maamulkasi.
Ugu dambeyn, Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid kacsan, iyadoo ciidamada ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala xarunta wasaaradda iyo kuwa ka baxay intuba.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





