Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo gaaray Baydhabo +(Ujeedka Safarkiisa & Sawirro)

Baydhabo (Halqaran.com) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BF  Soomaaliya, Prof. Maxmaed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xartunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Jawaari oo bilihii ugu dambeeyay ku sugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xubno kale.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxmaed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu sheegay safarka uu ku tagay Baydhabo si uu halkaasi uga qeybgalo furitaanka kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Prof. Jawaari inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu qaabili doono qeybaha kala duwan ee bushada, isaga oo u kuurgeli doono xaaladda guud ee magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...