Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Taliyeyaasha Booliska Galmudug iyo Puntland oo si wadajir ah uga hadlay howlgallada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Talisyada Booliska ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ee ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo ayaa faah-faahiyay hawlgalada ballaaran, ee weli ka soconaya Xarunta Gobolka Mudug.

Booliska Labada Maamul oo kaashanaya Ciidamada Danab iyo PSF ayaa hawlgalada ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ku soo qab qabanaya xubno ay ku tuhmayaan Shabaabnimo.

Taliye Qaybeedyada Booliska ee Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug G/sare Muumin Cabdi Shire iyo G/dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa sheegay in hawlgalada ay si wanaagsan uga soconayan magaalada.

Labada taliye ayaa si isu mida u sheegay in intii ay hawlgalada socdeen lagu soo qab qabtay xubno si dhow loola xiriirinayo Ururka Al-Shabaab, kuwaa oo sida ay sheegeen baaris ku socoto.

Taliyeyaashu waxaa ay intaa ku dareen in ay sii socon doonaan hawlgalada safka ballaaran, ee siyaabooyinka kala duwan looga sameynayo xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Maxamed ayaa waxay boggaadiyeen hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada.

Hawlgalada Gaalkacyo oo bilowday dabayaaqadii bishii Ramadan ayaa lagu soo qab qabtay dad fara badan, iyadoo illaa iyo haataan aysan jirin cid maxkamad la horkeenay.

Ugu dambeyn, waxaa jira warar sheegaya in dhalinyarada hawlgalada lagu qab qabanayo si xun loogu jirdilo xabsiyada magaaladaasi ku yaala, xilli dhalinyarada ay u badan yihiin kuwii deegaanka u dhashay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...