Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Taliyaha Ciidanka Xoogga ‘Odawaa’ oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay deegaanka Gololey +(Shir jaraa’id)

Cadaado (Halqaran.com) – Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo caawa shir jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhalinyaradii lagu laayay deegaanka Gololey ee duleedka Balcad.

Taliyaha Odawaa ayaa sheegay in xoogga dalku aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii Khamiistii ka dhacday deegaanka Gololey.

Sidoo kale, Odawaa ayaa xusay, in baaritaano horudhac ah ay ku ogaadeen Ciidanka xoogga dhacdadaasi aysan ka dambeyn.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo hawlgal dhacdadaasi ku aadan, xogo horudhac ahna ay heleen, dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

Dhalinyaradii la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey, isla markaana rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen, islamarkaana meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Meydadkii la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ahaa laba dhallinyaro ah oo caan ka ahaa degmada Balcad, kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...