Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ‘Odawaa’ oo kormeer ku tagay xerada 21-aad + (SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – General Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo iminka ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa Talaadada maanta ah gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa kormeer ugu tagay Ciidamada dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay xeradaas, kuwaas oo kujira Diyaar garow sare.

Taliyaha ayaa kormeeray Xafiisyada Taliska iyo rugaha ciidamada Xoogga ee Magaalada Dhuusamareeb oo haatan ah Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga, saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdicasiis Cabdilaahi Cabdi (Qooje) iyo saraakiil kale.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliya Generaal Odawaa ayaa mudddooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa deeganada Maamulka Galmudug, halkaasi uu ugu kuurgalayay xaaladda Ciidamada Xoogga dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...