Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya oo gaaray Cadaado

Cadaado (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan (Xijaar) iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa Arbacadii maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa dhawaanahaan waday u kuurgelidda, qiimeynta xaaladaha amniga iyo kormeerka xarumaha boolisa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan (Xijaar) ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin madaaxtooyada Cadaado iyo Saldhiga booliska magaalada Cadaado halkaasi oo uu dalacsiin ciidan uu ka sameeyay taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xasan ayaa maalmaha uu joogo magaalada Cadaado waxa uu kormeer ku tagi donaa goobaha ciidanka magaalada Cadaado iyo deegannada hoosyimaada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...