Monday, May 11, 2026
31.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Somaliland oo sheegay sababta ay u joojiyeen wada shaqeyntii Qaramada Midoobay

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku eedeeyay hay`adda Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan DF Soomaaliya, islamarkaana ay ku lug leeyihiin siyaasad.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aaney marnaba aqbaleyn in qorshe howleedka Qaramada Midoobay ay ugu talagashay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fuliyaan gobollada Somaliland.

”Sanadahan daambe hay`ado aan siyaasado gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, ee ay ka mid yihiin hay`ado badan oo isku magacaaba samafal oo dadka canshuurta bixiya ee dalalkooda lacag kaga soo uruuriya waxaanu gargaareynaa dad baahan oo aanu samafal u fidineynaa”

”Hay`ado badan oo ka mid ah sanadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimeysa ama aan ku habbooneyn qarannimada Somaliland, oo ah inay fuliyaan oo ay raacaan amarrada laga siiyo Villa Soomaaliya ee dowladda ay iyagu ilaaliyaan ee ay mushaarka ka bixiyaan, markaas ayay u soo gudbiyaan Somaliland inay ku dhaqmaan, taasina ma suurtoobeyso”, ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Biixi oo ka hadlayay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta furmay ayaa sheegay in Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan uusan matalin Somaliland, balse ay soo dhoweynayaan cid walba oo si ixtiraam ku jiro u dooneysa inay ula shaqeyso.

Si kastaba ha’ahaatee, shir ay dhowaan yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray amar ah in hay`adaha Qaramada Midoobay ay hakiyaan howlaha ay ka hayaan Somaliland inta xal laga gaarayo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha Somaliland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...