Sunday, May 10, 2026
27.6 C
Mogadishu

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo ku baaqay dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab

Baydhabo (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Diomede Ndegeya, ayaa booqday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Diomede Ndegeya ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaannada Koonfur Galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan deddaalada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, oo booqday ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Beydhabo, ayaa wuxuu kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardar-gali lahaa howlgallada lagu baacsanaayo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab

Waxaa gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ku sugan ciidamo ka socda dalka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...