Biya-Cade (Halqaran.com) – Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax Ismiidaamin oo Jimcihii maanta ka dhacay Saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Shabeellaha Dhexe.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay bannaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin deegaanka Biya-Cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
“Lama soo sheegin wax Khasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska xooga dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale taliyaha wuxuu intaasi raaciyay, in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii laba laabayaan howlgallada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab ee banneystay in ay xaqdarro ku daadiyaa dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





