Muqdisho (Halqaran.com) – Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan $45 milyan.
Arrintan ayaa dhaqangeleysa sannad maaliyadeedka cusub ee blilaaban doona bisha Luulyo, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo inay ka baxaan Soomaaliya kaas oo ay hoggaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa qorsheynayay in bisha Decembar ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka. Khuburada arrimaha ammaanka ayaa arrintasi su’aal gelinaya.
Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.
Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyn, gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





