Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Spain oo askar farabadan geysay xadkeeda kaddib markii ay soo gaareen muhaajiriintii ugu badnaa

Spain (Halqaran.com) – In kabadan 8,000 oo tahriibayaal ah ayaa soo gaaray waddanka Spain iyagoo ka soo tallaabay xadka ay la wadaagto Morocco, waxaana lagu tilmaamay in ay tahay tiradii ugu badneyd ee tahriibayaal ah oo soo gala Spain, iyagoo soo gaaray deegaanka Ceuta.

Illaa 8,000 oo qof ayaa labo maalmood gudahood yimaaday Ceuta, sida ay sheegeen saraakiisha Spanish-ka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa wacad ku maray inuu soo celin doono kala dambeyntii, Spain ayaa sheegtay in ku dhowaad kala bar muhaajiriinta dib loogu celiyay Morocco.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee jooga magaalada Fnideq oo deris la ah magaalada Ceuta ayaa furay sunta dadka ka ilmeysiisa si ay ukala ceyriyaan dad badan oo muhaajiriin ah oo ku sugnaa xadka labada waddan, wakaaladda wararka ee AFP ayaa werisay.

Mr Sanchez ayaa taageero ka helay saraakiil sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Xuduudaha Spain waa xuduudaha Midowga Yurub.”

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...