Thursday, June 4, 2026
26.8 C
Mogadishu

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir madaxeedka 10-aad ee waddamada Afrika ee Angola

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola kaga qayb galaya Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka iyo Baasifiga (OACPS).

Mr. Saalax Axmed Jaamac oo maalmo ka hor gaaray Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Angola.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay xaaladooda gaar ahaan caqabadaha heysta iyo fursadaha ganacsi ee yaalla dalka Angola, iyagoo dhankooda xusay inay soo dhawaynayaan dadaallada ay dawladdu waddo ee dhinacyada Amniga iyo Dib u xoraynta dalka.

Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika oo ay sanadkan ka qaybgalayaan madaxda 79 xubnood oo ka socda saddexda Qaaradood, ayaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka isbeddelka cimillada, isu dheelitirka iyo koboca dhaqaalaha, caqabadaha amniga iyo nabadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...