Wednesday, May 13, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ciidamo dalka dibaddiisa lagu soo tababaray oo maanta Muqdisho dib ugu soo noqday

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa dalka ku soo dhaweeyay Cutub Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed ah oo dhawaan tababar muddo 3 bilood ah ku soo dhammeystay dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ciidankan ayaa horay bartamihii sanadkaan tababar loogu qaaday Dalka Jabuuti, gaar ahaan Xerada Ciidanka Booliska Jabuuti ee IDRIS FARAH CABANE, halkaas oo ay Ku soo qaateen tababar la xariira xirfadaha Ciidanka.

Tababaradaan oo joogto ah ayaa qeyb ka ah tababarrada iyo taakulada ay Dowlada Talyaanigu kaga qeyb qaadato Dhismaha Dowladda Soomaaliya ee MIADIT, halkaas oo Ciidanka Carabinieriga Taliyaanigu ay Siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti tababarka ciidankan oo ah dufcaddii 17-aad ee Daraawiishta ee tababarka ku soo qaatay dugsiga tababarka Booliska ee dalka Jabuuti.

Ciidamada lagu soo tababaray dalka Jabuuti ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...