Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Ganacsato Soomaali ah oo lagu Afduubtay dalka Koonfur Afrika & Cabsi xooggan oo soo korortay

South Africa (Halqaran.com) – Kooxo Burcad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika waxaa ay ka bilaabeen afduubka dad kale oo ah Soomaalia iyo Itoobiyaa si ay uga qaataan lacago madax furasho ah.

Arrintaan ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacday meelo kamid ah Xaafada Soomaali ay ku badan tahay ee Mayfair, isla markaana maalmihii la soo dhaafay dad badan la afduubtay.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Xaafada Mayfair ayaa sheegay in dadka la afduubtay uu kamid yahay Milkiilaha Hotel-ka caanka ah ee Magaalada Johannesburg, kaas oo weli gacanta kooxaha Burcadda ah ku maqan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhibaatadaan ka jirta Magaalada Mayfair aysan ku baraarugsaneyn dadka Soomaaliyeed oo qaarkood Ganacsato ah, isaga oo Booliska ugu baaqay inay arrintaan wax ka qabtaan.

Ugu dambeyn, Koonfur Afrika ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ka jiray dhhibaatooyin isugu jira dila, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loo geysanayay Soomaalida iyo Itoobiyaanka, iyada dowladda Koonfur Afrika ay waxka qaban la’dahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...