Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Soomaaliya oo ballan-qaad cusub ka heshay Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaasi kadib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn, maalmihii la soo dhaafay ayaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa uu si kala gooni gooni ah ula kulmayay Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay sida loou gurman karo dadka ay saameeysay abaarta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...