27.4 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya la dagaallanka Argagixisada

Addis Ababa (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac oo ku sugan magaalada Addis Ababa oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Wakaaladda wararka Itoobiya ku sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay hal ujeeddo ka leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada isku mowqif ayaan ka nahay, argagixisaddu waxay cadow ku yihiin nabadda gobolka, tan Sooomaliya iyo Itoobiya.”ayuu yiri wasiir Abshir.

Wasiirka ayaa xusay in dhawaan ay Muqdisho ku kulmeen madaxda labada dowladood ee safka hore ku jira oo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada oo khatar ku ah dhammaan dalalka deriska ah maadaama argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya, marar badana isku dayeen in ay ka gudbaan xudduudaha.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid adag.

“Waxaan ku tilmaami karaa xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya waa xiriirka ugu wanaagsan ee ay dowladaha, labada dal hadda yeelan karaan,waxay maraysaa heerkii ugu fiicnaa abid. “ayuu yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...