27.7 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

RW Xamse Cabdi Barre ‘‘Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay maalgashadaan dalkooda‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Talaadadii maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...