Taiwan (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Xaaji Cumar, ayaa ka qeyb galay munaasabadda Somaliland ay Xafiis uga furaneysay Ismaamulka Taiwan oo aaminsan in ay ka go’een dalweynaha Shiinaha.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadda khadka Internet-ka kaga qayb galay, isaga oo Taiwan uga mahadceliyay xiriirka cusub oo ay wada yeesheen.
Ismaamulka Taiwan ayaa horey xafiis diplumaasiyadeed uga furtay Somaliland:
Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxaa kasoo horjestay Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo labada maamul dheg jalaq u siin hadallada kasoo baxay DF Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







