Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda kulan xasaasi ah kula leh garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi ka socda Mareykanka.
Wafdiga ka socda Mareykanka ayaa isugu jira wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo iyo Taliska Ciidamada Mareykanka AFRICOM ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo waxaa kulankaasi ku wehliya la Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.
Wararka ayaa sheegaya, in xubnaha wafdigaan ay daba socdaan walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuq-maasuq iyo eex ay dhaawici karto howlaha la xiriira dib u habeynta amniga.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa xalay waxa ay soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay ku taagreyso dib u habeynta Amniga, hayeeshee ay ka digtay in musuq-maasuq iyo in eex la sameeyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





