Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shir ka furmaya Baydhabo iyo Wafdi ku sii wajahan

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Magaalada Baydhabo waxaa shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana la filayaa in gelinka dambe ee maanta uu shir uga furmo Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in shirka ay uga hadli doonaan sidii ay mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen shirka la filayo in uu Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada uga furmo Caasimadda Muqdisho.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe shaacisay in 11-ka bishaan oo ku beegan Khamiisti berri ah uu dhici doono Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada.

Waxaa muddo toddobaad ah magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo Muqdisho u yimid wadahadalka Madaxweyne Farmaajo, balse ay dalbadeen in wada hadallada lagu soo daro Madaxda kale ee maamullada si ay u wada gaaraan heshiis doorasho oo dhammeystiran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...