Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay saraakiil Al-Shabaab ah +(Magacyadooda)

J/Hoose (Halqaran.com) – Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, howlgaladaas oo ahaa kuwo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya Gobolkaas.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay ka fuliyeen deegaannada kala ah, Dhisheeg waamo, Maroodi gubow, Dhaay unbow oo qiyaasti 75km u jirta Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Guutadda 16 ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegay in Ciidamada Danab Kumaandooska Soomaliya ay ku daateen Saldhigyada Al-Shabaab ku lahayeen deegaanno hoosta Gobolka Jubbada Hoose

Wuxuu intaasi raaciyay taliyaha in Ciidamada Danab ay Howlgalka ku dileen Labo Sarkaal iyo 11 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen deegaannada ay Ciidamada howlgallada ka fuliyeen.

Taliyaha Kumaandooska Soomaaliya ayaa Saraakiisha Howlgalka lagu dilay waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Xirow oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Dhisheeg waamo, iyo Cabdi Maxamed Bashiir oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay howlgallo ka wadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana jirtay weerarro ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...