Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Somaliland oo war adag ka soo saartay dadka rabshadaha ka wada magaalada Laascaanood

Sool (Halqaran.com) – Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland ee Gobolka Sool S/Guuto Mahad Cambaashe ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen banaanbaxyo rabshado watay.

Taliye Mahad Cambaashe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid kusoo duushay Laascaanood, isla markaana uu isaga ka saaray gudaha magaalada ciidamadii Maamulka Somaliland ee halkaas joogay, oo aan dagaal looga bixin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Taliyaha carabka ku dhuftay in haddii ay sii socdaan banaanbaxyada iyo rabshadaha ka socda Laascaanood uu ciidamada dib ugu soo celinayo, si ay u xaqiijiyaan amniga magaalada, ayna xoog ku joojinayaan waxa socda.

Taliyaha Ciidamada Millateriga ee Gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay rabaan in ay magaalada Laascaanood qas galiyaan, isagoo xusay in ciidanku aanu bixi doonin.

Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood uu Ciidanka Somaliland ka taliyo, isla markaana xiligii ay Somaliland timid gobolka ay nabadgalyadiisu aad u xumayd, oo la is wada dilayay, isagoo intaas kusii daray inay ka xun yihiin dadkii la dilay.

Ugu dambeyn, hadalka Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland ee Gobolka SOol ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo habeeno kahor dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood looga saaray ciidankii Somaliland ee joogay magaalada, iyaga oo dagaal la galay dadka deegaanka magaalada oo hubka qaatay, kana careysan dilalka ka dhacaya halkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...