Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay hirgelinta qorshayaasha dowladda 2023-ka iyo Madaxweyne Xasan oo Shir guddoomiyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hirgelinta qorshayaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xorreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xorreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowladda.

Mudane Xasan oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas’uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga saaray Al-Shabaab,  iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...