Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Somaliland oo sheegtay in saddex magaallo oo ka mid ah uu soo gaaray Fayraska Corona (COVID-19)

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uu soo gaaray Somaliland, sidaa darteed waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan fariimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa xusay in cudurku oo soo gaaray magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, waxana uu yidhi “Maanta Xanuunku Hargeysa, Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gacan qaadka joojiya, qof ayaa dilli kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliyad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta”

“Dad ayaa tijaabadooda la wadaa wayna badan tahay, labadii qof ee hore waynu xaqiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxuu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin.‘‘ ayuu hadalkiisi intaasi raaciyay Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Wasiir Koore ayaa waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan farriimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID-19.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka mid ah guddiga u diyaargarowga ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...