Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo ‘laamaha amniga’ faray in la xiro xudduudaha Galmudug

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor

Galmudug (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhammaan ugu baaqay bulshadda deegaanada maamulka Galmudug in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku saabsan ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Mr. Qoorqoor ayaa sheegay in dhammaan Bulshada deegaanada Galmudug uu ugu baaqayo in ay yareynyaan Kulamada ay isku imaanayaan, maadaama Fayraska Corona uu dalka dhibaato ku hayo.

Qoorqoor ayaa amar ku bixiyay in la xiro Xuduudaha Galmudug si looga hortaggo Cudurka Coronavirus.

‘‘Waxaan farayaa laamaha amniga in ay xiraan Xuduudaha Galmudug ay la wadaagto itoobiya, waxaan joojinay jaadka mana aqbaleyno in hubinta caafimaadka la sahlado.” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dalbaday Shaqaallaha Caafimaadka Galmudug in ay galaan heegan buuxa, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa waxyeeladda Cudurka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...