
Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa si ku meel gaar ah u xirtay Suuqa Soomaalida ku leeyihiin xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, kadib markii nin Soomaali ah laga helay Coronavirus.
Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa Jimcihii xaqiijisay in muwaadin Soomaaliyeed uu ka mid noqday laba iyo toban oo cusub, oo laga helay cudurka Coronavirus (COVID-19).
Ninkan ayaa loo maleynaya in uu ka mid yahay ganacsatada Suuqa Islii, iyadoo dhinaca kalena ay Kenya suuqaasi ku buufisay dawada jeermiska disha.
Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada Suuqa Islii, Cumar Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in muddo laba maalmood ah ay Dowladda Kenya xirtay suuqaasi.
Xoghayaha oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xaqiijiyay in maalinta Isniinta ay dib u furi doonaan goobihii ganacsi ee xaafadda Islii.
Ugu dambeyn, sababta Suuqa Islii loo xiray ayuu ku macneeyay, iyadoo nin lala xiriiriyay inuu la ganacsado ganacsatada la sheegay in laga helay Fayraska Corona (COVID-19).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





