Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa faray shacabka Somaliland in aanay sannadkan tagin Xajka oo ay niyeystaan.
Mr Saylici ayaa sheegay, haddii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kasoo jawaabi waydo caddaalad darro uu sheegay in lagu qaybiyay qoondada Xajka sanadkan.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa madaxda DF Soomaaliya u qabtay in muddo saddex maalmood ah ay kaga soo jawaabaan arrintan.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in 350 xaaji aanay ahayn qoondo ku filan shacabka Somaliland, isla markaana aan sinaba loo aqbali karin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





