Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalab U Diray Beesha Caalamka Iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Baydhabo(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay waxa loogu yeero argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa booqashada ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...