Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa si cad uga soo horjeesatay xilkii shalay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u Magacaabay Danjire Yuusf Garaad Cumar ee ahaa Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo ku tilmaamtay riyo maalmeed.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xadduudaheeda, sida Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.
Sidoo kale warka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Magacaabista DF Soomaaliya Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay riyo maalmeed iyo shego Calwaa ah lagana leeyahay ujeedo ah in la marin habaabiyo bulshada Caalamka ee qadiyada madax bannaanida Somaliland.
Haddaba halka hoose ka Akhriso War qoraalka ka soo baxay Somaliland:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






