Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Baarlamaanka Puntland oo maanta Xasaanadii ka qaaday 8 Xildhibaan +(Dhageyso Sababta)

Garoowe (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa Khamiistii maanta ah xasaanadii ka qaaday Siddeed Xildhibaan oo lagu soo eedeeyay inay jabiyeen xeer hoosaadka Golaha iyo Anshaxa.

35 mudane oo katirsan Baarlamanka Puntland ayaa u gacan taagay in xasaanadda xildhinanimo laga qaado 8 mudane oo kamid ahaa Xildhibaano dhawaan shir ku qabtay magaalada Garoowe.

Xildhibaanadaasi ayaa waxa ay eedeyn u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf, balse iyagiina maanta ayaa xasaanadii laga qaaday.

Waxaa fadhiga xildhibaannada soo xaadirtay 39 Xidhibaan, Saddex ka mid ah waydiideen in xasaanadda laga qaado xildhibaanada halka 1-mudane uu ka aamusay.

Halka hoose ka akhriso Magacyada Xildhibaannada xilka laga qaaday:

  • Xildhibaan Cabdijamal Cismaan
  • Xildhibaan Cabdiqani surato
  • Xildhibaan Muuse Jajabsay
  • Xildhibaan Cabdicasiis Baduugaaye
  • Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
  • Xildhibaan Saleeban Faarax.
  • Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
  • Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Halka hoose ka dhageyso Sababta Xildhibaannadaasi Xasaanadda looga qaaday:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...