Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Somaliland oo go’aanno adag ka soo saartay dukashada Salaadda Ciidda

Hargeysa (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Seylici, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga wacyigelina iyo xakameynta Somaliland u qaabilsan Cudurka Covid-19, kaas oo laga soo saaray go’aamo ku aadan maalmaha Ciidda ee foodda nagu soo haya.

Mid ka mid ah xubnaha guddiga oo Warbaahinta u akhriyay go’aanno ay soo saareen ayaa sheegay, in la mamnuucay dukashada Salaada maalmaha Ciidda, si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Waxaa ka mid ahaa go’aamada Guddiga, in milkiilayaasha goobaha Carruurta ku ciyaaraan in lagu amray inaysan furin goobahaas,

Sidoo kale, in la joojiyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka aada Gobollada kala duwan ee Somaliland muddo laba maalmood ah.

Guddiga ayaa bulshada ku nool deegaannada Somaliland ugu baaqay, in qof walba uu gurigiisa ku Ciida, isla markaana aysan jiri karin Xaflado iyo Casuumado lagu qabto Hoteelada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...