Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya oo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Galgaduud

Galgaduud (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Janeral Odawaa Yuusuf Raage ayaa Arbacada maanta ah booqdey furimaha hore ee Ciidamada Xoogga ay Ku leeyihiin Bariga Gobolka Galgaduud iyo fariisimaha cusub ee Abaabulka iyo Qorsheynta Howlgallada .

Jeneraal Odawaa goobihii uu booqdey oo jahooyin kala duwan kaga yaala Gobolka Galgaduud ayaa saldhig u ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ka howlgalla deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wuxuu taliyuhu Kormeeray fadhiyada Ciidanka iyo howlaha socda, isagoo saraakiisha raliska 21-aad ka dhageestay Qorsheynta Howlaha socda iyo Duruufaha Ku xeeran Ciidamada si taliska Guud ee Xoogga Dalka uu kaga jawaabo culeys kasta oo jira.

DF Soomaaliya, ayaa wada qorsheynta howlgallada Xorreynta Deegaanada Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay ka joogaan Galmudug, Galgaduud iyo Mudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...