Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalintii labaad ka socda mid ka mid ah hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho shirka Wadatashiga ee Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Shirkan ayaa ah mid albaabada u xiran oo saxaafadda dibad joog ka tahay, balse muuqaallada iyo sawirrada loo oggolaaday.
Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo guddiga doorashooyinka oo ay qaadaceen.
Shirka oo Sabtidii shalay furmay ayaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay inay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.
Axadda maanta ah ayaa musharraxiinta Madaxweynaha waxa ay sii amba qaadeen doodooda ku aadan arrimaha doorashooyinka, sidoo kale ay ka hadli doonaan kulan ay la qaateen musharraxiinta qaarkood madaxweynaha Galmudug oo ay u gudbiyeen cabasho ku aadan Guddiyada doorashooyinka oo uu soo Magacaabay.
Waxaa maalinta berri oo Isniin ah lagu wadaa in Shirka Midowga musharraxiinta madaxweynaha la soo gebagabeeyo, islamarkaana laga soo saarayo war-saxaafadeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





