Sunday, May 31, 2026
26.1 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Cabdikariin Guuleed?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Dowladda, kulamadaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha xisbiga Sahan Cabdikariim Xuseen Guuleed , iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaalada.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagusoo xulo hannaan lagu wada qanacsan yahay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo, wadahadal, isu-tanaasul iyo heshiis loo dhan yahay si loo helo xasilooni hore loogu socdo.

Ugu dambeyn, Cabdikariim Xuseen Guuleed, guddoomiyaha Xisbiga Sahan ayaa dhankiisa sheegay in muhiim ay tahay helida xal waara oo deg-deg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...