Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Shirkii Beesha Caalamka iyo dowlad goboleedyada oo baaqday

Muqdisho (Halqaran.com) – Puntland ayaa xaqiijisay inuu baaqday shirkii loo balansanaa ee dhexmari lahaa Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+.

Wasiirka arirmaha gudaha ee maamulka Puntland Dhabancad, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay is hortaagtay shir lagu waday in uu furmo galbta, kadib markii ay ka baaqsadeen qaar ka mida Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay, in tani tahay carqaladeynta dadaallada la doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis ku saaray Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed oo uu subixii Khamiistii maanta uu kula shiray Teendhada Afisyooni in aysan ka qeyb gelin shirkaas, balse uu taa bedelkeed u soo jeediyay inay is arkaan Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed oo kaliye.

Si kastaba, shirkaan oo ay gadaal ka riixeysay beesha caalamka oo rabta in heshiis laga gaaro doorashada dalka, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in kulan ay goob joog ka tahay la iskugu keeno madaxda dowladd goboleedyada oo u kala qeybsan labo garab.

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada dalka

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...