Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Muqdisho: Qarax lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga

Muqdisho (Halqaran.com) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhintay qarax gaari uu la socday lagula eegtay wadada cusub ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalkan oo watay gaari SURF ayaa waxaa haleelay qarax la sheegay in wadada dhinaceeda la dhigay.

Dad goobjooge ah ayaa sheegay in Sarkaalkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis uu u geeriyooday dhaawac halis ahaa, oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobtaasi ayaa ka qaaday dhaawacyada qaar ka mid ah ilaaladii la socotay Sarkaalkaasi.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaan ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, walow qaraxyada noocaan oo kala ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...