UPDATE: Wasiirkii hore Amniga ee Jubbaland ‘C/rashiid Janan’ oo yimid Muqdisho +(SAWIRRO)

Wasiirkii hore Amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Diyaarad siday Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa galab dhicii maanta ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa keenay Muqdisho Cabdirashiid Janan oo dowladda Soomaaliya la heshiiyay xilli hore loogu eedeeyay dambiyo ka dhan ah binaadanimada.

Wasiir Janan oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa lagu waddo in uu la kulmo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu mari doono hanaann la doonaayo in looga saaro eedeymaha kala duwan ee loo heysto.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan oo tiir muhiim ah u ahaa nabad gobolka Gedo horayna waxaa loogu eedeeyay in uu wada shaqeyn la leeyihiin dowladda Kenya.

Wasiir Janan ayaa meel gaar ah ku xabistay Dawlada Soomaaliya sanad ka hor, iyadoo ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xilli uu ka dhoofi rabay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com