USA (Halqaran.com) – Shirkadda Whatsapp ayaa sameyndoonto sharciyo cusub, taasoo isticmaalayaasha bartaan ay waajib ku tahay in ay aqbalaan, shirkadda ayaa ka joojin doonto macmiilkii aanan aqbalin sharciyadaan wacitaanada iyo fariimaha.
Qofkii aanan aqbalin shuruudaha cusub taasoo ay soo kordhisay Whatsapp waxa uu weyn doonaa helitaanka astaamaha muhiimka ah taasoo ay leedahay Whatsapp sida wacitaanada iyo fariimaha la isugu diri jiray bartaan.
“Fariimaha ganacsiyada waa ay ka duwan yihiin fariimaha qoyskaaga ama asxaabtaada, taasi oo ah sababta aan u sameyn doono nidaamyadan cusub, kadib markii aan qof walba siino waqti ay dib ugu eegaan waxaan wadi doonaa inaan xusuusino kuwa aanan aqbalin in ay dib u eegaan oo ay aqbalaan.” Sidaa waxaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda Whatsapp.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay bishii Janaayo waxaa jiray walaac ku saabsan in la waayo xogihii la isugu gudbin jiray Whatsapp-ka iyo Facebook-ka laakiin tani isma bedeli doonto.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





