UK (Halqaran.com) – Shabeelkaan ishiisa ayaa la badbaadiyay iyadoo ay noqoneyso howlgalkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ka dhaco caalamka.
Shabeelka ayaa lagu magacaabaa Ratna waana 17-jir, waxaana lagu hayaa Shepreth Wildlife Park oo u dhow Cambridge.
Mid ka mid ah shaqaalaha xaruntan lagu xannaaneeyo xayawaanada ayaa ogaatay in isha bidix ee Shabeelka oo horay qalliin loogu sameeyay in ay sii xumaaneysay iyadoo uu dhaawac xooggan soo gaaray, waxaana markiiba ka howl galay dhakhtar takhasus u leh indhaha.
Waxaana lagu sameeyay qalliinka loo yaqaano “Corneal surgery,” taasoo aanan loo isticmaalin xayawaanada, Dr David Williams oo ah dakhtarka sameeyay qalliinka kaasoo ka tirsan isbitaalka Queen’s Veterinary School Hospital ee jaamacadda Cambridge ayaa sheegay kadib laba bilood oo si taxaddar leh loola socday “In uu ku faraxsan yahay in Ratna uu bogsaday.”
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





